Dowladda Kenya ayaa waxaa lacag dhan 14 bilyan oo shilin ugu deeqay bangiga adduunka.
Dhaqaalahan ayaa lagu kabi doonaa kheyraadka lagula dagaallamaya cudurka COVID19.
Waxaa in lacagtan lagu soo wareejiyo dowladda Kenya ansaxiyay agaasimayaasha fulinta ee bangiga si loogu soo iibiyo daawooyinka tallaalka ee cudurka.
Agaasimaha bangiga adduunka u qaabilsan Kenya ,Keith Hansen ayaa bayaan ku sheegay in lacagahan la helay xilli baahi wayn loo qabo .
Ilaa iyo hadda bangiga adduunka ayaa dadaallada ay Kenya kula tacaalayso cudurka COVID19 ku biiriyay taageero lacageed oo dhan 26.5 bilyan oo shilin.