Dowladaha ismaamullada oo ka cabanaya dhaqaale yari

0
458

Guddoomiyaha golaha ay ku mideysan yihiin hoggaamiyaasha ismaamullada ee CoG ahna barasaabka dowlad deegaanka Embu Martin Wambora ayaa sheegay in ay wajahayaan caqabad dhanka dhaqaalaha ah.
Waxaa uu sheegay in wasaaradda maaliyadda oo aan xilliga ku habboon soo saarin miisaaniyadda ay ismaamullada si siman u qaybsan karaan awgeed ay hakad galeen qaar ka mid ah adeegyada bulshada.
Mr. Wambora oo jeediyay khudbad uu kaga hadlayay xaaladda ismaamullada ayaa xusay in ay adkaatay in mushaaraadka shaqaalaha la bixiyo.
Sidoo kale waxaa uu tilmaamay in dib loo dhigay bixinta lacagaha deymaha ee aysan weli helin qandaraasleyda.
Maalmo ka hor ayay ahayd markii dowladda dhexe ay sheegtay in ay ismaamullada ku wareejisay ku dhawaad 44 bilyan balse barasaabyada ayaa carrabka ku dhuftay in dhaqaalahan uusan ku filnayn marka la eego baahiyaha jira.