Madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta ayaa shaaciyay maanta qorshayaal lagu talaalayo dhamaan dadka waaweyn ee kenyaanka ah ee ka kooban 26 milyan oo qof marka la gaaro bartamaha sanadka 2022-ka.
Waxaana sido kale la qorsheynaya in 10 milyan oo ruux la talaalo marka la gaaro bisha December ee sanadkan.
dawladda ayaa dalabtay 13 milyan oo ah tallaalka noca Johnson iyo Johnson vaccine.
“Istaraatiijiyaddeennu waxay ahayd inaan tallaalno 10 milyan oo qaan-gaar ah illaa Juun 2022-ka iyo ku dhowaad 16 milyan illaa Juun 2023,” ayuu yiri hogaamiyaha dalka.
Mr kenyaatta ayaa sheegay in markii la gaaro bisha juune 2022-ka la talaali doono dhamaan dadka qaangaarka ah kuwaas oo dhan 26 milyan.
Waxaa uuna intaas ku daray in maalin kasataba la talaali doono 150,000 oo qof.