Dowladda oo in ka badan 29 milyan siisay dad ay waxyeeleysay duurjoog

0
579

Wasiirka wasaaradda dalxiiska iyo adeegga duurjoogta dalka Najiib Balala ayaa sheegay in lacag dhan 29.7 milyan oo shilin la siiyay shakhsiyaad ay waxyeello gaarsiiyeen duurjoogta wadanka.
Dadka lagu wareejiyay dhaqaalahan magdhowga ah ayaa ku nool ismaamulka Baringo.
Marka laga soo tago in qaar ka mid ah ay duurjoogtu dhaawacday waxaa sidoo kale jiro kuwo laga burburiyay dalag ay beerteen.
Mr. Balala ayaa sheegay in lagu dadaalayo sidii codsiyada la xiriira bixinta lacagaha magdhowga ah looga dhigi lahaa qaab dijitaal ah.
Wasiirka ayaa xusay in casriyeynta barnaamijkan ay fududeyn doonto helidda macluumaadka iyo ka la socodka xilliga lacagaha lagu wareejinaya dhibanayaasha.
Waxaa uu intaa ku daray in arrimahan lagu soo gabagabeyn doono muddo 6 bilood ah si hannaankan loogu xiriiriyo midka loo yaqaano E-Citizen ee qaab elekoronig ah loogu dalbado adeegyada muhiimka ah.