DHAGEYSO:Shacabka Diif oo loogu baaqay in ay la shaqeyaan guddoomiye cusub oo shalay halkaasi la geeyay

0
450

Isku duwaha ammaanka ee gobolka waqooyi bari Nichodemus Ndalana ayaa dadweynaha ku nool magaalada Diif ee Koonfurta ismaamulka Wajeer ka codsaday in ay si buuxda ula shaqeyaan guddoomiye dowladda dhexe matalaya oo shalay halkaasi la geeyay.
Tani ayaa timid ka dib markii magaaladaasi sare loo qaaday maamul ahaan oo laga dhigay deegaan.
Mr. Ndalana ayaa carrabka ku adkeeyay in saraakiisha dowladda keliya aynan ka shaqeyn karin amniga iyo horumarka sidaas awgeedna shacabka garab looga baahan yahay.

Wakiilka haweenka ee ismaamulka Wajeer ahna guddoomiye ku xigeenka guddiga amniga iyo maamulka ee baarlamaanka sidoo kalena xubin ka ah guddiga miisaaniyadda Fatuma Geedi Cali ayaa dhankeeda sheegtay in dhaqaale loo qoondeyn doono xoojinta amniga deegaankaasi oo ku yaalla meel xad ah.