Wasaaradda caafimaadka oo faahfaahin ka bixisay wajiga labaad ee tallaalka COVID19

0
367

Wasaaradda caafimaadka ee dalka ayaa sheegtay in wajiga labaad ee tallaalka ka dhanka ah cudurka COVID19 ay ka faa’iidaysteen 83,526 qof oo ay da’oodu tahay 58 sano iyo wixii ka sarreeya.
Saraakiisha caafimaadka ee markii labaad laga tallaalay caabuqa waxay tirdoodu tahay 68,067, macallimiinta waa 35,503, ciidamada ammaanka 21,219 halka 76,962 ay yihiin qaybaha kale ee bulshada.
Marka la eego dhanka jinsiyadda dadka qaatay tallaalka COVID19 ee gudaha dalka boqolkiiba 56 ayaa rag ah iyadoo haweenka ay yihiin boqolkiiba 44.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo ilaa iyo hadda gudaha Kenya laga diiwaangeliyay xaaladaha caabuqa corona oo gaaraya 182,597