Wasaaradda caafimaadka ee dalka ayaa shaacisay in 24-kii saacadood ee ugu dambeeyay 204 qof oo dheeeraad ah uu haleelay cudurka COVID19.
Tani ayaa timid ka dib markii caabuqa corona laga baaray dheecaan dhan 2,971.
Tirada guud ee kiisaska corona ee Kenya ayaa hadda ah 182,597
Xaaladaha cusub ayaa laga kala diiwaangeliyay ismaamullada Nairobi 56 ,HomaBay 27, Siaya 15, Uasin Gishu 14, Kisumu 12, Kakamega 12, Nakuru 9, Bungoma 6, Laikipia 6, Kericho 6, Kiambu 6, Kajiado 5, Nyeri 5, Kilifi 4, Nyandarua 4, Meru 4, Mombasa 3, Murang’a 3, Kisii 1, Trans Nzoia 1, Vihiga 1, Baringo 1, Bomet 1, Busia 1 iyo Garissa 1
Waxaa xanuunka u dhintay 21 qof oo ay wasaaraddu sheegtay in geeridooda xilli dambe la soo sheegay .
Dhimashada guud ee ka dhalatay COVID19 ayaa hadda ah 3,595.
Sidoo kale waxaa xanuunka ka caafimaaday 44 bukaan oo hor leh tani oo bogsashada guud ka dhigaysa 124,436.
Dhanka kale 1,287,776 qof ayaa qaatay tallaalka ka dhanka ah cudurka guud ahaan wadanka.
1,002,499 oo ka mid ah tiradan ayaa la tallaalay wajigii koowaad halka tallaalka labaad ay heleen 285,277 qof.
Waxaa hadda xanuunka COVID19 qabo oo isbitaallada kala duwan ku jiro 1,051 bukaan halka 6,760 kale lagu daryeelaya guriyaha.
Qaybta daryeelka degdegga ee ICU-da waxaa lagu daaweynayaa 101 bukaan.