Qaramada midoobay oo sheegtay in 12 qof lagu dilay Suuriya

0
601

Jimciyadda qurumaha ka dhexeysa ayaa sheegtay in labadii toddobaad ee ugu dambeeyay gudaha wadanka Suuriya lagu dilay 12 qof.
Falkan ayaa laga soo tabiyay xero barakacayaal oo ku taalla waqooyiga bari ee wadankaas.
Waxay qaramada midoobay ka digtay in xaaladda ay sii noqon karto mid cakiran hadii aan tallaabo degdeg ah la qaadin.
Xerada barakacayaasha ee Al-Hol oo ah midda ugu weyn Suuriya ayaa waxaa ku nool 62,000 qof .
In ka badan boqolkiiba 80 ee dadkan ayaa ah haween iyo carruur waxayna isugu jiraan muwaadiniinta Suuriya, Ciraaq iyo qaar ka yimid qaaradda Yurub.