Madaxweynaha dalka oo soo jeediyay in Afrika ay soo saarto tallaalka COVID19

0
360

Madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in la joogo xilligii ay wadamada qaaradda Afrika diiradda saari lahayeen soo saaridda daawooyinka tallaalka ee COVID19.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in ay lagama maarmaan tahay in sare loo qaado awodda ay qaaraddu u leedahay in ay hesho daawooyin u gaar ah oo ay ka gudubto ku tiirsanaanta dowladaha kale .
Hadalkan ayuu ka jeediyay magaalada Brussels ee dalka Belgium.
Mr. Kenyatta ayaa sheegay in wadamada caalamka aynan si siman u qaybsan daawooyinka tallaalka ee COVID19.
Hasa ahaate waxaa uu arrin lagu farxo ku tilmaamay sidoo kalena ka mahadceliyay in Kenya ay saaxiibadeeda deeq bixiyaasha ah ka heshay taageero wayn.
Waxaa uu dhanka kale wadamada uu dhaqaalahoodu sarreya ka codsaday in ay Kenya caawimaad u fidiyaan.