Muwaadin u dhashay Itoobiya oo lagu xiray Sacuudiga

0
593

Saraakiisha ammaanka ee boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa xabsiga dhigay nin dhalasho ahaan ka soo jeedo dalka Itoobiya oo lagu eedeyay inuu iibinayay daroogo.
Ninkan ayay ciidamadu sheegeen in la qabtay isaga oo gobolka Casiir ku gadaya xashiish.
Waxaa arrinkan warbaahinta u xaqiijiyay afhayeenka waaxda la dagaalanka maandooriyaha Maxamad Al-Nujaidi.