Kenya oo dowladda Denmarka ka heshay in ka badan 350 kun oo ah tallaalka COVID-19

0
336

Dowladda Kenya ayaa heshay 358,700 kuuro ama doos oo ah daawooyinka tallaalka COVID-19 nooca Oxford-AstraZeneca islamarkaana ah deeq ka timid dowladda Denmark.
Tallaalka ayaa abaare 10-kii habeenimo ee xalay gagida caalamiga ee diyaaradaha ee JKIA ee magaalada Nairobi laga soo dejiyay waxaana guddoomay saraakiil sar-sare oo ka tirsan dowladda.
Bayaan ay soo saartay wasaaradda caafimaadka ee dalka ayay hoosta kaga xariiqday in tallaalka dalka la soo gaarsiiyay ay sare u qaadeyso wajiga labaad ee tallaalka ka dhanka ah cudurka Covid19 kaasoo bilowday dhammaadkii bishi hore.
Waxaa ilaa iyo hadda wajiga labaad ee tallaalka qaatay 186,966 qof oo Kenyaan ah.