Maxkamadda sare oo amar ka soo saartay dacwad ku saabsan heerka waxbarasho ee musharraxiinta

0
471

Maxkamadda sare ee dalka ayaa shakhsiyaad u gudbiyay dacwad ay kaga soo horjeedaan in musharaxiinta doorashada guud ee sanadka 2022-ka ay haystaan shahaadada Degree ku amartay in ay muddo 5 cisho gudahood ah arrintan u bandhigaan dhinacyada ay khuseyso.
Xeer ilaaliyaha guud ee dalka Paul Kihara Kariuki , guddoomiyaha baarlamaanka Justin Muturi iyo guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudada IEBC ayay maxkamaddu ka dalbatay in ay ku soo jawabaan 10 cisho.
Dacwaddan ayaa mar kale la soo hadal qaadi doonaa 7-da bisha Toddobaad ee sanadkan.
Dhawaan ayay ahayd markii ururka wakiillada ismaamullada dalka uu sheegay in heerka waxbarasho ee Degree oo khasab laga dhigo ay caqabad ku noqonayso siyaasiyiin badan oo aaminsan in ay dadweynaha hoggaanmin karaan balse aan haysan shahaadada laga doonayo.