Musalia Mudavadi oo soo jeediyay in BBI aan shardi looga dhigin doorashada guud

0
414

Madaxa xisbiga ANC Musalia Mudavadi ayaa dhaliilay aragtida siyaasadeed ee ah in ay khasab tahay in wax laga beddelo dastuurka dalka iyada oo loo marayo geeddisocodka BBI si sanadka soo socdo ay wadanka uga dhacdo doorashada guud.
Waxaa uu sheegay in hadda uusan dalka wajahayn firaaq dastuuri ah.
Musalia ayaa arrinkan ka hadlay xilli uu u jawaabayay xoghayaha guud ee dalladda ururrada shaqaalaha ee (COTU) Francis Atwoli.
Mr. Atwoli ayaa sheegay in hadii isbeddellada la soo jeediyay ee BBI aan la dhaqan gelin ay muddo dheer qaadan doonto in Kenya ay ka qabsoonto doorasho guud.
Hasa ahaate Mudavadi ayaa tilmaamay in aynan khasab ahayn in la beddelo xeerarka dalka si sanadka 2022-ka ay u jirto doorasho.
Waraysi uu siiyay warbaahinta dowladda ee KBC ayuu ra’iisul wasaare ku xigeenkii hore ee Kenya ku sheegay inay nasiib darro tahay in aad loogu mashquulay siyaasad halkii la xoojin lahaa maamul wanaagga iyo dib u soo noleynta dhaqaalaha .
Madaxa ANC ayaa carrabka ku dhuftay hadii Kenyaanka ay doonayaan hoggaan wanaagsan in looga baahan yahay inay isdiiwaangeliyaan oo ayna u codeyaan madax wax ka beddel karto nolosha dadweynaha.