Nuurdiin Xaaji oo gudniinka fircooniga ku tilmaamay xadgudub ka dhan ah xuquuqul aadanaha

0
588

Agaasimaha waaxda dacwad soo oogidda dalka Mr. Nuurdiin Xaaji ayaa sheegay in gudniinka gabdhaha ee loo yaqaano fircooniga ama FGM-ka uu ka mid yahay xadgudubyada ugu daran ee ka dhanka ah xuquuqul insaanka.
Waxaa uu xusay in gudniinkan uu haweenka iyo gabdhaha yaryar ku sababo xanuun maskaxeed iyo mid jireed oo mararka qaar ay ka dhalato dhimasho.
Arrinkan ayuu ka hadlay xilli la qabanayay aqoon iswaydaarsi ku saabsan FGM-ka oo diiradda lagu saaray sida loo maxkamadeyn karo qof kasta oo gabdhaha u gudo noocan.
Gudniinka fircooniga ayaa ka mid ah dhaqamada aan laga oggolayn gudaha wadanka oo qofkii lagu cadeeyo lagula xisaabtamaya.
Waxyaabaha aqoon iswaydaarsiga ka soo baxay waxaa ka mid ah in faragelinta marqaatida, warbixinada caafimaadka iyo baaritaanada oo aan dhameystirnayn ay yihiin caqabadaha adkeeya in sida habboon loo wajaho maxkamadeynta eedeysanayaasha.