Siyaasiyiinta Isiolo oo cambaareeyay weerar lagu dilay 5 qof

0
395

Ka dib markii weerar dhawaan ka dhacay deegaanka Merti lagu dilay 5 qof ayaa waxaa falkaasi si kulul u cambaareeyay qaar ka mid ah siyaasiyiinta laga soo doortay ismaamulka Isiolo.
Hoggaamiyaashan oo ay hor kacayso wakiilka haweenka ee dowlad deegaankaasi Rehema Jaldesa ayaa wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Dr. Fred Matiang’i ka dalbaday inuu xaqiijiyo sugidda amniga xadka ismaamullada Isiolo iyo Wajeer.
Waxay mas’uuliyiintan sheegeen in hal sano gudihii ugu yaraan 40 qof lagu dilay weerarrada burcadnimada ku saleysan.
Guddoomiyaha dowladda dhexe u qaabilsan Isiolo Herman Shambi ayaa dhankiisa dadweynaha ugu baaqay in ay deganaansho muujiyeen.
Waxaa uu ballanqaaday in gacanta lagu soo dhigi doono shakhsiyaadkii weerarka gaystay si tallaabo sharciyeed looga qaado.