Arday dhigta fasalka seddexaad ee dugsiga sare ee Wahundura ee ku yaala ismaamulka Murang’a ayaa la dhigay isbitaalka qaran ee Kenyatta ka dib markii uu arday kale mindi madaxa kaga dhuftay
Warbixinta booliska ayaa lagu sheegay in labada arday ay isku dagaalen quful taasi oo sababtay in ardayga kale uu saaxibkii ku dhufto mindida.
Dhacdadan ka dib ayaa ardayga lagu dabiibay isbitaalka Kirian-ini balse markii la ogaaday inuu qabo dhaawacyo dhanka gudaha jirka ah ayaa loo soo qaaday KNH.
Ardeygii kale ayaa ee dhibka geystay ayaa ilaa hadda la raadinaya isagoo markii uu falkan geystay dugsiga isaga cararay.