Xuutiyiinta Yemen oo sheegtay inay la wareegeen marin-biyoodka Bab al-Mandeb

0
30

Kooxda Xuutiyiinta Yemen ee taageerada ka hesha Iran ayaa sheegtay inay la wareegtay gacan ku haynta marin-biyoodka istaraatiijiga ah ee Bab al-Mandeb, kaas oo ku yaalla koonfur-galbeed dalka Yemen.
Telefishinka Al-Masirah ee ay maamusho kooxda ayaa soo xigtay ilo militari oo sheegay in dagaalyahannada Xuutiyiintu ay iska caabiyeen ciidamada taageersan dowladda Yemen, kana saareen aaggaasi.
Kooxda ayaa sidoo kale sheegatay inay ciidamada dowladda Yemen ka riixday deegaanno ka baxsan degmada Kharaz, isla markaana ay lix gantaal ku weerartay xero militari oo lagu magacaabo Qa’wah. Labada gooboodba waxay ku yaallaan gobolka Lahij ee koonfurta Yemen.
Dhanka kale, ciidamada dowladda Yemen ee caalamku aqoonsan yahay ayaa Axaddii sheegay inay dib uga gurteen deegaanno ku dhow marin-biyoodka Bab al-Mandeb, si ay xoogga u saaraan difaaca magaalada Cadan oo ah xarunta ku-meel-gaarka ah ee dowladda.
Tallaabadan ayaa timid xilli ay sii xoogeysanayaan dagaallada u dhexeeya Xuutiyiinta iyo ciidamada dowladda Yemen.