Ciidamada booliska dalkani Kenya ayaa howlgallo qorsheysan oo ka dhan ah ka ganacsiga maandooriyaha iyo khamriga sharci darrada ah ka fuliyay ismaamullada Makueni, Kisii, Mombasa iyo Machakos, kuwaas oo lagu soo qabtay dad looga shakisan yahay falal dambiyeed, laguna qabtay maandooriye iyo khamri sharci darro ah.
Ismaamulka Makueni, ciidamada ammaanka ayaa howlgal ka sameeyay dukaan iyo guri ku yaalla suuqa Masonga, deegaanka Kinyambu, halkaas oo lagu xiray hal qof oo looga shakisan yahay ku lug lahaanshaha falal sharci darro ah.
Howlgalka ayaa lagu helay 596 garaam oo xashiishad ah, lacago dhan 123 kun iyo 830 oo shilin, mooto Bajaaj ah iyo agab loo adeegsado duubista maandooriyaha.
Dhanka ismaamulka Kisii, booliska ayaa guri ku yaalla suuqa Keumbu ka helay laba kiilo oo xashiishad ah iyo 162 xabbo oo sigaar ahaan loo duubay, iyo sidoo kale miisaan iyo agab lagu baakadeeyo maandooriyaha.
Mombasa, laba qof ayaa lagu qabtay tuulada Kibundani, kaddib markii ciidamada boolisku ay ka heleen 25 baakad oo looga shakisan yahay xashiishad, iyaga oo ku sugnaa dhisme aan weli la dhammaystirin.
Sidoo kale, ismaamulka Machakos, howlgal laga fuliyay goob lagu iibiyo khamriga oo ku taalla deegaanka Kicheko ayaa lagu xiray laba qof, waxaana lagu qabtay ku dhowaad 100 litir oo khamri dhaqameed ah oo sharci darro ah, iyo khamri kale oo looga shakisan yahay inuu yahay mid been-abuur ah.
Dhammaan dadka la qabtay ayaa lagu hayaa saldhigyada booliska, iyadoo la filayo in maxkamadda la horgeeyo si loogu soo oogo eedeymaha la xiriira falalka lagu qabtay.
Adeegga Booliska Qaranka ayaa bulshada ugu baaqay inay sii wadaan la shaqeynta ciidamada ammaanka, islamarkaana ay soo gudbiyaan xogaha la xiriira ka ganacsiga maandooriyaha iyo khamriga sharci darrada ah.




