Urdun oo saddex nin ku xukuntay dil toogasho ah kadib weerar dhimasho badan dhaliyay oo lagu qaaday kaniisad

0
27

Maxkamad ku taalla dalka Urdun ayaa saddex nin ku xukuntay dil toogasho ah oo lagu fulinayo daldalaad, kadib markii lagu helay inay ka dambeeyeen weerar hubaysan oo dhimasho badan dhaliyay, kaas oo bishii hore lagu qaaday kaniisad ku taalla koonfurta dalkaas.
Rag hubaysan ayaa dilay sagaal qof, halka 25 kalena ay dhaawaceen, kadib markii ay weerareen munaasabad tacsi ah oo ka socotay kaniisad ay leeyihiin dadka Kiristaanka ee madhabta Giriigga Ortodokska, taas oo ku taalla tuulada Hammoud ee gobolka Karak, dalka Urdun, 23-kii Oktoobar.
Mas’uuliyiinta ayaa sheegay in saddexda nin, oo laba ka mid ahi ahaayeen walaalo u dhashay Urdun, halka kan saddexaad uu ahaa nin ay xigto guur ka dhaxaysay, ay baxsadeen kadib weerarka, balse la xiray saddex maalmood kaddib.
War-saxaafadeed ay Axaddii soo saartay ciidamada milatariga Urdun ayaa lagu sheegay in Maxkamadda Amniga Qaranka ay go’aamisay in saddexda nin lagu xukumo dil toogasho ah, kadib markii ay fuliyeen weerarkii argagixiso ee lagu qaaday kaniisadda.
Maxkamaddu waxay ku heshay dambiyo ay ka mid yihiin fulinta weerarro argagixiso oo sababay dhimasho, ku xadgudubka sharciyada hubka, shirqool lagu qorsheynayay falal argagixiso iyo faafinta fikradaha urur argagixiso.