DHEGEYSO:Matiang’i oo Ruto ku eedeeyay inuu lacag ku abaabulayo dadweynaha inta uu ku jiro socdaalka gobolka Gusii

0
42

Hoggaamiyaha Xisbiga Jubilee, Fred Matiang’i, ayaa Madaxweyne William Ruto ku eedeeyay inuu lacag u adeegsanayo abaabulka dadweynaha inta uu ku jiro socdaalkiisa Ismaamulada Kisii iyo Nyamira. Waxa uu sheegay in Madaxweynaha laga duubay isagoo ka hadlaya lacag dhan 2 milyan oo shilin Kenya ah oo loogu talagalay abaabulka dadka magaalada Keroka ee ismaamulka Nyamira.
Isagoo ka hadlayay munaasabad kaniisadeed oo ka dhacday Magena Main and Central SDA Church, oo ku taalla deegaanka Bomachoge Borabu, Matiang’i ayaa sidoo kale maamulka Ruto ku eedeeyay karti-darro. Waxa uu sheegay in dhaleeceynta mucaaradku ay muujinayso walaaca laga qabo sida dalka loo maamulayo.
Matiang’i waxa uu qiray inuusan haysan lacag uu ku maalgeliyo ololihiisa doorashada madaxtinnimada. Isagoo ka jawaabaya dhaleeceynta la xiriirta dhaqaalaha ololihiisa, waxa uu soo hadal qaaday heshiiska dowladda iyo dowladda, shirkadda Kenya Pipeline, KCC iyo saamiyada Safaricom. Waxa uu sheegay inuusan qayb ka ahayn heshiiskaas, isla markaana uusan iibin mid ka mid ah hantida uu magacaabay.
Kadib munaasabadda kaniisadda, Matiang’i waxa uu khudbad ka jeediyay isu-soo-bax ka dhacay Suuqa Magena ee deegaanka doorashada Bobasi, ka hor isu-soo-bax ballaaran oo la qorsheeyay inuu ka dhaco ismaamulka Kisii maalinta Axadda.
Waxaa la socday Senator-ka Nyamira Erick Okong’o Omogeni, wasiirkii hore ee Waxbarashada Ezekiel Machogu iyo xildhibaannada Obadiah Barongo, Antony Kibangendi, Clive Gisairo iyo Innocent Obiri.
Dhankiisa Wasiirkii hore ee Waxbarashada Ezekiel Machogu ayaa sheegay ina mucaaradka ay yihiin xalka shacabka Kenya.