DHEGEYSO:Booliska Kitengela oo xiray nin lagu eedeeyay dil

0
31

Booliska deegaanka Kitengela ayaa xiray nin looga shakisan yahay inuu dilay kirayste, kadib muran ka dhashay lacag kiro ah oo dhan 1,500 oo shilin.
Dhacdadan ayaa ka dhacday deegaanka Noonkopir, halkaas oo wakiil guryaha ka shaqeeya oo lagu magacaabo Shadrack Sankan Saita uu u tagay kirayste lagu magacaabo Maurice Otieno Sande, si uu uga dalbado lacagta kirada ee lagu lahaa.
Arrinta ayaa dhalisay muran xooggan, inkastoo kiraystuhu uu ballanqaaday inuu lacagta bixin doono fiidkii isla maalintaas.
Wararka ayaa sheegaya in wakiilka gurigu uu markii dambe dib ugu soo laabtay isagoo wata dubbe, kadibna uu kiraystaha guriga ku weeraray qolkiisa, halkaas oo uu ku dilay.
Booliska ayaa sheegay in eedeysanaha la horgeyn doono maxkamadda Kajiado maalinta Isniinta, iyadoo baarayaasha ay codsanayaan waqti dheeraad ah si ay u soo gabagabeeyaan baaritaanka dhacdada.