Aqalka Senetka Kenya ayaa baaritaan ku haya dhismayaasha sida joogtada ah ugu dumaya magaalada Nairobi. Baaritaankan ayaa yimid iyadoo walaac laga muujinayo jebinta xeerarka dhismaha, kormeer la’aanta iyo dayacaad ay suuragal tahay in ay sameeyeen dadka ku shaqada leh dhismaha.
Guddiga Aqalka Senetka u qaabilsan Waddooyinka, Gaadiidka iyo Guriyeynta ayaa baaraya shirkadaha iyo dadka dhismayaasha dhisa ee lagu tuhunsan yahay in aysan raacin qorshayaashii dhismaha ee la ansixiyey.
Guddigu wuxuu sidoo kale baarayaa hay’adaha dowladda ee mas’uulka ka ah kormeerka dhismayaasha, kuwaas oo lagu eedeynayo inay ku guuldarreysteen hubinta badbaadada dhismayaasha.
Guddoomiyaha guddiga, Hamida Kibwana, ayaa sheegtay in baaritaanku diiradda saari doono tayada dhismayaasha, in la raacay qorshayaashii la ansixiyey iyo sida ay hay’adaha dowladda dhexe iyo kuwa dowlad-goboleedyadu uga hortagaan dhismayaasha aan ammaan ahayn.
Khudbad ay Arbacadii ka jeedisay Aqalka Senetka, ayay Kibwana uga digtay in dumitaanka dhismayaasha uu khatar gelinayo dadka deegaanka, ganacsatada iyo guud ahaan shacabka.
Baaritaankan ayaa daba socda dhowr dhisme oo ku dumay Nairobi. Waxaa ka mid ah dhismihii 23-kii Oktoobar ku dumay Waddada 9-aad ee xaafadda Eastleigh, kaas oo ahaa dhisme dabaqyo badan leh oo weli la dhisayay.
Dabaqa hoose iyo qaybta dhulka hoostiisa ee dhismaha waxaa ka socday ganacsiyo. Arrintan ayaa dhalisay su’aalo ku saabsan badbaadada dadka ganacsiga ka samaynaya dhisme ay weli ka socoto shaqada dhismuhu.
Guddigu wuxuu sidoo kale baaritaan ku samayn doonaa dumistii bishii Janaayo ku timid dhismaha Manzil Towers ee xaafadda South C. Dhismahan ayaa la sheegay in lagu kordhiyey afar dabaq oo dheeraad ah, iyadoo qorshihii hore ee la ansixiyey uu ahaa 12 dabaq.
Hay’adda Qaranka ee Dhismaha (NCA) ayaa xaqiijisay in dhismahaasi uu ka diiwaangashanaa hay’adda, isla markaana loo oggolaaday in uu noqdo dhisme 12 dabaq ah.
Dhacdooyinka kale ee la baarayo waxaa ka mid ah qayb ka mid ah dhisme 22 dabaq ah oo ku dumay School Lane, xaafadda Westlands, xilli dhismihiisu socday.
Waxaa sidoo kale baaritaanka lagu daray dhisme ku dumay deegaanka Blue Estate ee Shauri Moyo, xilli la burburinayey. Shaqada burburinta dhismahaasi waxay qayb ka ahayd mashruuca dib-u-habaynta iyo nadiifinta Wabiga Nairobi.
Kibwana ayaa sheegtay in guddigu sidoo kale baaritaan ku samayn doono dayacaad ay suuragal tahay inay sameeyeen injineerrada iyo xirfadlayaasha kale ee dhismaha, iyo meelaha ay ka liitaan sharciyada lagu maamulo waaxda dhismaha.
Baaritaanka Aqalka Senetka wuxuu sidoo kale diiradda saari doonaa in ka badan 300 oo galal ah oo la xiriira dhismayaal lagu tuhunsan yahay in lagu jebiyey xeerarka dhismaha. Maamulka Gobolka Nairobi ayaa la sheegay in galalkaasi u gudbiyey Xafiiska Agaasimaha Dacwad-oogista Dadweynaha (ODPP).
Kibwana ayaa sheegtay in Guddoomiyaha Gobolka Nairobi, Johnson Sakaja, uu kulan ay guddigu yeesheen 13-kii Oktoobar ku sheegay in maamulka gobolka uu in ka badan 300 oo galal ah u gudbiyey xafiiska dacwad-oogista, si tallaabo sharci ah looga qaado.
Guddigu wuxuu hore 29-kii Sebtembar u booqday xaafadda Eastleigh, si uu u soo ogaado cabashooyinka la xiriira dhismayaasha aan sharciga waafaqsanayn, dhulalka dadweynaha oo si sharci-darro ah loo qabsaday iyo waddooyinka iyo marinnada biyaha roobka oo la xannibay.
Xafiiska Agaasimaha Dacwad-oogista Dadweynaha (ODPP) ayaa sidoo kale amray Waaxda Dambi Baarista (DCI) in ay baarto sababta keentay dumitaanka dhismaha Eastleigh.
Baaritaanka waxaa qayb ka ah hab-dhaqanka saraakiisha maamulka gobolka, shirkadda ama qofka dhismaha lahaa, qandaraaslayaasha iyo xirfadlayaashii kale ee ka qayb qaatay mashruuca.
Kibwana ayaa soo xigatay natiijooyinka warbixintii kormeerka dhismayaasha ee sannadkii 2025, taas oo ay samaysay Hay’adda Qaranka ee Kormeerka Dhismayaasha.
Warbixinta ayaa qiimeysay 396 dhisme oo ku kala yaalla dalka, waxaana lagu ogaaday in boqolkiiba 87 ka mid ah aysan buuxin shuruudaha dhismaha ama aysan haysan rukhsadihii iyo oggolaanshihii looga baahnaa.




