Tirada dadka weli la la’yahay kadib burburkii dhismaha Eastleigh oo hoos ugu dhacday 11 qof

0
82

Tirada dadka la la’yahay kadib burburkii dhismaha ka dhacay xaafadda Eastleigh ee magaalada Nairobi ayaa hoos ugu dhacday 11 qof, kadib markii afar qof oo markii hore la sheegay in la la’yahay dib loogu soo celiyay qoysaskooda.
Hay’adda Laanqayrta Cas ee Kenya ayaa sheegtay in xogta mid ka mid ah afarta qof ee la helay laba jeer la diiwaangeliyay, kadib markii xubno kala duwan oo qoyskiisa ka tirsan ay si gooni-gooni ah u soo sheegeen maqnaanshihiisa.
Dhanka kale, dadaallada baadigoobka iyo samatabbixinta ayaa la xoojiyay, iyadoo goobta burburka la geeyay laba mashiin oo dheeraad ah oo loo adeegsado qodista iyo qaadista burburka dhismaha.
Howlgallada ayaa weli socda, iyadoo kooxaha gurmadku ay dadaal ugu jiraan sidii ay u nadiifin lahaayeen burburka haray, una raadin lahaayeen dadka weli la la’yahay.