Wasaaradda Caafimaadka Kenya oo xaqiijisay geerida bukaankii saddexaad ee Ebola laga helay dalka

0
136

Wasaaradda Caafimaadka dalkani Kenya ayaa xaqiijisay geerida haweeney 65 jir ah oo ahayd bukaankii saddexaad ee laga helay cudurka Ebola ee nooca Bundibugyo gudaha Kenya.
War-saxaafadeed ay wasaaraddu soo saartay ayay ku sheegtay in haweeneydu ay xiriir dhow oo qoys la lahayd bukaankii ugu horreeyay ee cudurka u geeriyooday Haweeneyda ayaa karantiil ku jirtay, waxaana calaamadaha cudurka lagu arkay 13-kii Oktoobar 2026.
Isla maalintaas ayaa la dhigay qaybta gaarka ah ee lagu daweeyo cudurrada faafa, halkaas oo ay ka heshay daryeel caafimaad, balse ay u geeriyootay cudurka fiidnimadii maanta.
Geeridan ayaa tirada dadka u dhintay Ebola ka dhigaysa laba qof, iyadoo guud ahaan dalka laga xaqiijiyay sagaal kiis.
Toddoba bukaan ayaa weli lagu daweynayaa laba xarumood oo karantiil ah.
Wasaaradda ayaa sheegtay in kiisaska la xaqiijiyay ay ku kooban yihiin hal koox oo dad xiriir la lahaa bukaannadii hore, isla markaana aan weli la hayn caddeyn muujinaysa in cudurku ku faafay bulshada inteeda kale.
Dhanka kale, wasaaraddu waxay shacabka ugu baaqday inay ka fogaadaan taabashada dhiigga iyo dheecaannada qofka buka, ayna si toos ah uga fogaadaan taabashada meydka qof looga shakiyo cudurka Ebola.
Dadka isku arka qandho, tabar-darro, murqo xanuun, matag ama shuban ayaa lagula taliyay inay si degdeg ah u raadsadaan gargaar caafimaad.
Shacabka waxay sidoo kale wici karaan khadka bilaashka ah ee 719, ama farriin kala xiriiri karaan WhatsApp-ka 0700 719 719.
Wasaaradda Caafimaadka ayaa tacsi u dirtay qoyska, ehelka iyo bulshada ay ka baxday haweeneyda, iyadoo ku baaqday in la ixtiraamo asturnaanta qoyska xilligan murugada leh.