Aden Bare Ducaale oo magacaabis sameeyay

0
51

Dr. Dennis Miskellah oo ah ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee Ururka Dhakhaatiirta ee( KMPDU), ayaa loo magacaabay xubinnimada Guddiga Qaran ee Ka Hortagga iyo La Dagaallanka Cudurka Ebola .
Magacaabistan ayaa lagu shaaciyay warqad ku taariikhaysan 19-ka Oktoobar 2026, kaddib markii Xoghayaha Guud ee ururka, Dr. Davji Atellah, uu codsaday in ururku qayb ka noqdo kooxda qaran ee isku-dubbaridaysa dadaallada Kenya ee lagula tacaalayo cudurka Ebola.
Wasiirka caafimaadka dalka Aden bare Ducaale ayaa sameeyay magacaabistan.
Dr. Atellah ayaa sheegay in ka-qaybgalka ururku muhiim u yahay bixinta khibrad caafimaad, hagaajinta wada-xiriirka iyo ilaalinta shaqaalaha caafimaadka ee ku hawlan ka-hortagga iyo xakamaynta cudurka.
Codsiga ayaa daba socday kulan ay 16-kii Oktoobar yeesheen golaha talo-bixinta qaranka ee ururka, kaas oo lagu go’aamiyay in KMPDU uu si firfircoon uga qayb qaato hawlaha guddiga qaranka.
Warqaddiisa magacaabista, Wasiir Duale ayaa sheegay in Wasaaradda Caafimaadku dhistay guddigan si uu u bixiyo hoggaan istaraatiiji ah, isla markaana uu isku-dubbarido jawaabta qaranka ee cudurka Ebola.
Tallaabadan ayaa timid kaddib markii 6-dii Oktoobar 2026 Kenya laga xaqiijiyay kiiskii ugu horreeyay ee Ebola oo dalka dibadda looga soo geliyay, kaas oo uu sababay fayraska nooca Bundibugyo.