Supkem oo masaajidyada uga digtay halista ebola, kuna baaqday taxaddar

0
53

Golaha Sare ee Muslimiinta Kenya (SUPKEM) ayaa imaamyada, culimada iyo jamaacadaha masaajidda ugu baaqay inay raacaan tilmaamaha Wasaaradda Caafimaadka ee ku aaddan ka hortagga cudurka Ebola.
SUPKEM ayaa ku boorrisay bulshada inay si wanaagsan u dhaqaan gacmaha, kana fogaadaan taabashada dheecaannada jirka iyo walxaha uu cudurku wasakheeyey, isla markaana ay bartaan calaamadaha cudurka oo ay si degdeg ah ugu wargeliyaan hay’adaha caafimaadka marka laga shakiyo kiis Ebola ah.
SUPKEM ayaa bulshada ugu baaqday inay faafiyaan xog la xaqiijiyey, taageeraan qoysaska uu cudurku saameeyey, isla markaana ay muujiyaan naxariis iyo garab istaag.
Goluhu wuxuu xusay in ka hortagga cudurku yahay masuuliyad ay bulshadu wadaagto.
Si kastaba ha ahaate Wasaaradda Caafimaadka Kenya ayaa sheegtay inaysan jirin wax caddeyn ah oo muujinaya in cudurka fayraska Bundibugyo uu si ballaaran ugu dhex faafayo bulshada.