11 qof oo la la’yahay kadib markii doon ku qalibantay xeebaha Mexico

0
17

Baadigoobka ayaa weli socda si loo helo 11 qof oo la la’yahay kadib markii doon ay la socdeen ay Jimcihii ku qalibantay xeebaha Baja California ee dalka Mexico. Dhanka kale, dadkii laga soo badbaadiyey qaarkood ayaa la daweynayaa kadib markii ay soo gaareen dhaawacyo daran oo loo malaynayo inay ka dhasheen qaniinyada libaax-badeedka, sida ay sheegtay Ilaalada Xeebaha Mareykanka.
Ilaalada Xeebaha Mareykanka ayaa bayaan ay Sabtidii soo saartay ku sheegtay in dhowr qof oo la soo badbaadiyey ay qabeen dhaawacyo halis ah oo u muuqday kuwo ka dhashay qaniinyada libaax-badeedka. Shaqaalaha gurmadka ayaa dadkaasi siiyey gargaar caafimaad oo degdeg ah intii loo sii waday magaalada San Diego.
Sida ay sheegeen mas’uuliyiintu, 16 qof oo u dhashay Mexico ayaa la soo badbaadiyey, halka 11 kale weli la la’yahay. Dadkii doonta saarnaa ayaa la sheegay inay tiradoodu ahayd 27 qof.