Ciidamada Yemen oo sheegay inay dileen ama dhaawaceen 1,540 dagaalyahan oo Xuutiyiinta ka tirsan

0
92

Ciidamada dowladda Yemen ee caalamku aqoonsan yahay ayaa sheegay inay 24-kii saac ee la soo dhaafay fuliyeen ku dhowaad 500 oo hawlgallo milatari ah, kuwaas oo ay ku dileen ama ku dhaawaceen 1,540 dagaalyahan oo ka tirsan kooxda Xuutiyiinta.
Afhayeenka milatariga Yemen, Kornayl Majed Abdullah al-Nazili, ayaa sheegay in hawlgalladaasi loo adeegsaday diyaaradaha dagaalka, diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, madaafiicda, gantaallada iyo hubka ridada dheer.
Wuxuu xusay in weerarrada lagu bartilmaameedsaday fariisimaha iyo goobaha ay ku sugan yihiin dagaalyahannada Xuutiyiinta ee ku kala yaalla qaybo kala duwan oo dalka Yemen ah.
Afhayeenka ayaa faahfaahinta hawlgalladan bixiyay fiidnimadii Jimcihii, inkasta oo aan warbixinta lagu sheegin faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan khasaaraha dhabta ah ama goobaha gaarka ah ee weerarradu ka dhaceen.