Kaaliyaha duuliyaha Flydubai oo lagu eedeeyay isku day fal argagixiso

0
72

Xeer Ilaaliyaha Guud ee dalka Isutagga Imaaraadka Carabta ayaa sheegay in kaaliyaha duuliyaha diyaaradda Flydubai uu isku dayay inuu fuliyo fal argagixiso, kaddib markii uu faas loogu talagalay xaaladaha degdegga ah u adeegsaday duuliyihii diyaaradda, xilli ay ku jireen qolka laga hago diyaaradda.
Wakaaladda wararka ee dowladda Imaaraadka Carabta ee WAM ayaa soo xigatay Hamad Saif al-Shamsi oo sheegay in dhacdadan ay ku lug lahayd diyaaraddii duulimaadkeedu ahaa FZ1073, taas oo dhacday maalintii Arbacada, isla markaana kaaliyaha duuliyuhu uu isku dayay inuu la wareego qalabka lagu hago diyaaradda.
Al-Shamsi ayaa sheegay in baaritaanno ay socdaan si loo ogaado dhammaan duruufihii ku xeernaa dhacdada, sababihii ka dambeeyay iyo cid kasta oo laga yaabo inay arrintan xiriir la leedahay.
Waxa uu sidoo kale sheegay in la dhammaystirayo baaritaannada farsamo iyo falanqaynta caddeymaha la xiriira dhacdada, oo ay ku jiraan xogaha elektaroonigga ah iyo waxyaabaha kale ee la taaban karo.
Xeer Ilaaliyaha Guud ayaa intaa ku daray in natiijada kama dambaysta ah ee baaritaanka la shaacin doono marka la soo gabagabeeyo dhammaan habraacyada lagama maarmaanka ah.