Golaha Ammaanka ee QM oo ka shiraya Bab al-Mandeb kadib horumarka Xuutiyiinta

0
272

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa Talaadada qaban doona kulan degdeg ah oo looga hadlayo xaaladda sii xumaanaysa ee marinka Bab al-Mandeb, sida ay Reuters sheegtay.
Kulanka oo ay codsatay Faransiiska ayaa la qaban doonaa galabnimada Talaadada, xilliga New York, sida ay Reuters werisay iyadoo soo xiganaysa laba diblomaasi oo Faransiis ah oo aan magacyadooda la shaacin.
Bab al-Mandeb waa mid ka mid ah marinnada ugu muhiimsan ee maraakiibta ganacsiga adduunka. Marinkan biyo-mareenka ah oo ballaciisu yahay 20 kiiloomitir wuxuu u dhexeeyaa Yemen iyo Jabuuti, wuxuuna isku xiraa Yurub iyo Aasiya.
Ka hor inta uusan dagaalku dib u qarxin bishan, qiyaastii 12 boqolkiiba ganacsiga caalamka ayaa mari jiray marinkan. Maalmihii u dambeeyay, Xuutiyiintu waxay la wareegeen inta badan xeebaha Badda Cas ee Yemen, oo ay ku jirto jasiiradda Mayyun oo ku taalla marinka Bab al-Mandeb.