Guddoomiyaha guddiga suuq gaynta xoolaha nool ee dalka sidoo kalena ka mid ah waxgaradka gobolka waqooyi bari Dubat Cali Camey ayaa dowladda dhexe iyo ismaamullada ka codsaday in ay dhaqaale u qoondeyso barnaamijyada lagu garab istaagaya bulshooyinka xoolo dhaqatada ah.
Waxaa uu mar kale soo dhaweeyay tallaabadii dib u habeynta loogu sameeyay laguna furay warshadda hilibka dalka ee KMC hasa ahaate waxaa uu soo jeediyay in reer guuraaga laga iibsado xoolaha
Guddoomiyaha ayaa xusay inuu jiro barnaamijka caymiska xoolaha balse inta badan aan laga faa’iidaysan isagoo tilmaamay in ay lagama maarmaan tahay in qorshahan la iska diiwaangeliyo
Waxaa uu sidoo kale ka hadlay miisaaniyad sanadeedkii maalmo ka hor wasiirka maaliyadda Ukur Yatani uu ka hor akhriyay baarlamaanka
Ugu dambeyntii Dubat Cali Camey ayaa dowladda ka codsaday in ay mamnuucdo in Kenya dibadda laga soo geliyo haragga xoolaha ee laga soo saaro waxyaabaha kala duwan.