Faahfaahin ku saabsan markab lagu waayey Indonesia

0
143

Waxaa ay faahfaahin dheeraad ah ka soo baxaysa markab rakaab oo lagu waayey Badda Java ee dalka Indonesia.
Ilaa iyo hadda waxaa la xaqiijiyey dhimashada hal qof halka 102 kalena la soo samatabixiyey.
Sida uu mas’uul sheegay markabka Virgo Transport 8 ee la waayey ayaa loo aaneeyay dabeylo xooggan oo jiray Sabtidii.
Waxaa uu siday 243 qof sida laga soo xigtay wakaaladda samatabixinta ee Indonesia.
Markabka ayaa ka soo baxay Surabaya ee jasiiradda Java wuxuuna ku wajahnaa Banjarmasin oo ah magaalo xeebeed ka tirsan Borneo.
Saraakiisha badbaadinta ayaa hadda raadinaya rakaabka iyo shaqaalaha markabka ee weli la la’yahay.