IEBC oo shacabka ugu baaqday in ay hubiyaan in saxiixyadooda rasmiga la soo gudbiyay

0
709

Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudada dalka ee IEBC ayaa shacabka ku boorriyay in saxiixyada la soo uruuriyay ee ku saabsan BBI ay yihiin kuwooda saxda ah.
Guddoomiyaha IEBC Mr .Wafula Chebukati ayaa sheegay inaynan habbooneyn in qofka saxiixiisa la adeegsado isagoo aan oggolaansho bixin.
Guddigan ayaa sheegay shabakadiisa rasmiga ah uu ku soo bandhigay liiska la xaqiijiyay ee taageerayaasha hannaanka sharci beddelka ee BBI.
Cid kasta oo arrinkan cabasho ka qabto oo dareemaysa in saxiixeeda la adeegsaday iyadoo aan raali ka ahayn waxay ugu dambeyn 25-ka bishan cabasho u gudbin kartaa xafiiska madaxa fulinta ee guddiga sida laga soo xigtay Wafula Chebukati .
Dhammaadkii bishii hore ayay ahayd markii guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudada dalka ee IEBC uu billaabay inuu xaqiijiyo 4.4 milyan oo ah saxiixyada BBI ee loo soo gudbiyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here