Dhallinyarada oo loo soo jeediyay in ay ka faa’iidaystaan fursadaha dowladda

0
378

Xoghayaha joogtada ah ee waaxda arrimaha dhallinyarada Charles Sunkuli ayaa da’yarta ku boorriyay in ay ka faa’iidaystaan fursadaha jira ee xal loogu raadinaya caqabadaha haysta ee dhanka dhaqaalaha.
Waxaa uu barnaamijyada u furan dhallinyarada ku sheegay Uwezo Fund, National Government Affirmative Action Fund (NGAAF), Women Enterprise Fund (WEF) iyo Youth Enterprise Development Fund (YEDF).
Sunkuli ayaa intaa ku daray in dowladda dhexe ay u ololeynaysa sidii da’yarta looga qayb gelin lahaa geeddisocodka horumarineed ee dalka.
Barnaamijyada waxaa sidoo kale ka mid ah (KYEOP) oo awoodsiin loogu sameeyo dhallinyarada ,golaha qaran ee dhallinyarada ee (NYC) iyo Kazi Mtaani oo lagu muujiyo bilicda deegaanka.
Charles Sunkuli waxaa uu nasiib darro ku tilmaamay in da’yar badan ay cudurka COVID19 kala kulmeen khasaaro dhanka ganacsiga ah.