Ciidamada Myanmar oo lagu eedeyay in ay tuulo gubeen

0
273

Ciidamada militariga ee dalka Myanmar ayaa lagu eedeyay in ay dab qabadsiiyeen tuulo ku taalla magaalada Magway ee bartamaha wadankaasi.
Tani ayaa timid ka dib isku dhacyo dhex maray saraakiisha iyo kooxo ka soo horjeeda.
Waxaa ilaa iyo hadda la xaqiijiyay in labo qof oo da’a ah ay halkaasi ku dhinteen.
Militariga Myanmar ayaan weli arrinkan ka hadlin.