Rakaabkii oo habeenkii ku hoyday JKIA iyadoo shaqo-joojinta shaqaalaha duulistu ay sii socoto

0
84

Boqolaal rakaab ah ayaa weli ku xanniban garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Jomo Kenyatta JKIA ee Nairobi tan iyo Axaddii.
Rakaabka, kuwaas oo qorshaysnaa inay ka duulaan ama ku safraan garoonka diyaaradaha ugu weyn Kenya, ayaa habeenkii ku hoyday gudaha garoonka, iyagoo sugayay tilmaamo iyo xog cusub oo ay ka helaan shirkadaha diyaaradaha.
Subaxnimadii Isniinta, dhowr shirkadood oo diyaaradeed ayaa bilaabay inay rakaabkooda u diyaariyaan in hoteello loo wareejiyo.
Arrintan ayaa timid kadib markii shaqaalaha duulista ee hoos yimaada Ururka Shaqaalaha Duulista Kenya KAWU ay Axaddii bilaabeen shaqo-joojin, iyagoo hakad ama gaabis shaqo ka sameeyay garoomada diyaaradaha dalka.
Shaqaaluhu waxay dalbanayaan in la hagaajiyo daryeelkooda iyo xaaladdooda nololeed, in la wanaajiyo xaaladaha shaqada, iyo in la fuliyo faa’iidooyinka shaqo ee hore loogu heshiiyey.
Garoonka JKIA ee Nairobi ilaa Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Moi ee Mombasa, hawlihii garoomada ayaa Axaddii ku dhowaaday inay gebi ahaanba istaagaan.
Xoghayaha Guud ee KAWU, Moss Ndiema, ayaa sheegay in xubnaha ururku ay shaqada joojiyeen ee Hay’adda Duulista Rayidka Kenya, Hay’adda Garoomada Diyaaradaha Kenya iyo Jambojet, ayna dib ugu laaban doonin shaqada ilaa cabashooyinka ururku ka qabo saddexda hay’adood laga xalliyo.
Tallaabadan ayaa timid kadib markii uu burburay heshiis qaab-dhismeed ah oo la saxiixay 27-kii Luulyo, markii uu Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Waddooyinka, Davis Chirchir, uu isugu yeeray ururka iyo afarta shaqo-bixiyaal ee lagu sheegay ogeysiiska shaqo-joojin hore, wuxuuna dejiyay jadwal ay hay’ad kastaa si toos ah ugala xaajoonayso KAWU.