DHEGEYSO:Edwin Sifuna oo madaxweynaha ku boorriyey inuu wax u qabto danyarta

0
58

Senatarka ismaamulka Nairobi sidoo kalena ka mid ah mas’uuliyiinta dhaqdhaqaaqa siyaasadeed ee Linda Mwananchi , Edwin Sifuna ayaa madaxweynaha dalka William Ruto kula taliyey inuu diiradda saaro taageeridda ganacsatada yaryar oo uu iska hilmaamo hiigsiga horumarineed ee sanadka 2060-ka ee Vision 2060.
Waxaa uu u soo jeediyey inuu ka dhabeeyo waxyaabihii uu sanadkii 2022-kii u ballan qaaday dadweynaha ee u fududeeyay in loo doorto hoggaanka ugu sarreeya waddanka.
Sifuna ayaa maanta ismaamulka Meru ka sheegay in mucaaradka ay soo saarayaan qorsho cusub oo qaran oo ka turjumaya rabitaanka jiilka da’yarta ah.