8 qof oo ku dhintay daadad ku dhuftay Nepal

0
170

Dowladda Nepal ayaa diyaarado qumaatiga u kaca u dirtay howlaha samatabbixinta kaddib markii daadad xooggan ay ku dhufteen deegaanno ku dhow xadka Tibet, halkaas oo ay ku dhinteen ugu yaraan siddeed qof.
Daadadka oo si lama filaan ah u soo rogmaday ayaa qaaday qaar ka mid ah tuulooyinka, waxaana sidoo kale waxyeello soo gaartay waddooyin, buundooyin iyo mashaariic koronto.
Mas’uuliyiinta Nepal ayaa sheegay in xaaladda daadadka ay aad u daran tahay, taasoo keentay in diyaaradaha qumaatiga u kaca aysan awoodin inay ku degaan deegaannada Syapru Besi iyo Timure, oo ku yaalla gobolka buuraleyda ah ee Rasuwa.
Gobolka Rasuwa waxaa ku nool ku dhawaad 50,000 oo qof, iyadoo kooxaha gurmadka ay dadaal ugu jiraan sidii loo gaari lahaa dadka ay daadadku saameeyeen.
Mas’uuliyiintu waxay sheegeen in howlaha samatabbixinta ay weli socdaan, iyadoo laga cabsi qabo in tirada dhimashada iyo khasaaraha ay sii kordhi karaan.