Ruushka oo sheegay inuu duqeeyay xarun tareen iyo laba doon gudaha dalka Ukraine

0
63

Ruushka ayaa sheegay in ciidamadiisu ay duqeeyeen xarun tareen oo ku taalla magaalada Izmail ee Ukraine, iyo sidoo kale laba doon oo ku sugnaa meel u dhow gobolka Mykolaiv.
Wasaaradda Difaaca Ruushka ayaa sheegtay in xarunta tareenka ee Izmail loo adeegsanayay rarista, kaydinta iyo gaadiidka saanadda milatari iyo shidaalka loogu talagalay ciidamada Ukraine.
Wasaaraddu waxay sidoo kale sheegtay in ciidamada Ruushku ay duqeeyeen laba doon oo jiidaya maraakiibta, kuwaas oo ku sugnaa xeebaha Mykolaiv, iyadoo ku eedeysay inay galbinayeen maraakiib xamuul ah oo hub u waday dekedaha Ukraine.
Dhanka kale, ciidamo Ruush ah ayaa maalin ka hor weerarro ka fuliyay Izmail, kuwaas oo waxyeello u geystay kaabeyaasha dekedda, isla markaana sababay koronto la’aan.
Izmail ayaa ah xarun muhiim u ah dhoofinta badeecadaha Ukraine, waxaana ay ku taallaa webiga Danube, meel u dhow xadka Romania.
Dhanka kale, diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Ukraine ayaa weerarro ka fuliyay gudaha Ruushka, kuwaas oo lagu bartilmaameedsaday goobo ay ka mid yihiin xarun muhiim u ah dhoofinta shidaalka ee Baltic-ga iyo bakhaar ku dhow magaalada Moscow.