Madaxweyne Ruto oo amray in la hirgeliyo Barnaamijka Raadinta Hibada Qaranka

0
81

Madaxweynaha dalkani Kenya William Ruto ayaa amray in la hirgeliyo barnaamij qaran oo lagu raadinayo laguna kobcinayo hibada iyo hal-abuurka dhalinyarada dalka.
Madaxweyne Ruto ayaa sheegay in barnaamijka cusub lagu ogaan doono hibada ku saabsan fanka, majaajillada, jilitaanka, gabayada, filimada, ciyaaraha iyo dhinacyo kale, iyadoo raadinta hibadu ay socon doonto sanadka oo dhan.
Ruto ayaa amarkan bixiyay xilli uu ka hadlayay Bandhigga 98-aad ee fanka Qaranka Kenya oo lagu qabtay State Lodge ee ismaamulka Bungoma.
Waxa uu faray Waaxda Dowladda ee Dhallinyarada, iyadoo la kaashanaysa Xafiiska Dhaqaalaha Hal-abuurka iyo Sanduuqa Ciyaaraha, inay si degdeg ah u bilaabaan barnaamijka, iyadoo aan dib dambe loo dhigin.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale ku amray ku-xigeenka madaxweynaha dalka , Kithure Kindiki, inuu hubiyo in barnaamijkan uu helo taageerada iyo isku-duwidda hay’adaha dowladda.
Ruto ayaa sheegay in qorshahan uu qayb ka yahay dadaallada dowladda ee lagu nidaaminayo dhaqaalaha ku salaysan hal-abuurka, isla markaana hibada loo aqoonsado waddo shaqo iyo fursado dhaqaale oo mustaqbalka dhalinyarada u horseedi karta.
Dhanka kale, Madaxweynaha ayaa Wasaaradda Waxbarashada faray inay 5 milyan oo shilin Kenya ah siiso dhammaan machadyadii iyo iskuulladii ku guuleystay Bandhigga Muusigga Kenya ee 2026.
Waxa kale oo uu sheegay in laga bilaabo sanadka soo socda munaasabadaha hal-abuurka ee iskuullada lagu dari doono mowduuc dhiirrigelinaya dhalinyarada inay hibadooda uga faa’iideystaan sidii ay uga qayb qaadan lahaayeen mustaqbalka Kenya.
Ruto ayaa sidoo kale Wasaaradda Waxbarashada faray in sanad kasta ardayda ku guuleysata Bandhigga Sayniska iyo Injineernimada Kenya lagu casuumo Madaxtooyada, si uu ula kulmo, u arko hal-abuurkooda, una dhageysto fikradahooda.