Diyaarad Helicopter oo Mareykan ah ayaa rasaas ku furtay markab Panama laga leeyahay kadib digniino la iska dhega tiray
Sida uu qoray wargayska Wall Street , isaga oo soo xiganaya sarkaal Mareykan ah, helicopter militari oo Mareykan ah ayaa rasaas ku dhuftay dhabarka markabka (rudder-ka) oo wata calanka Panama, kadib markii shaqaalihii markabka ay iska dhega tireen digniino ay bixiyeen ciidamada ka shaqeynayay fulinta go’doomin dhinaca badda ah oo lagu saaray dekedaha Iran.
Ilaa hadda lama soo sheegin wax dhimasho ama dhaawac ah oo ka dhashay dhacdada.
Warbixintu waxay intaas ku dartay in markabka uu u muuqday inuu isku dayayay inuu shaqaalihiisa u wareejiyo markab kale oo rayid ah kadib weerarka.
Dhanka kale, kooxda British-ka ah ee maaraynta khataraha badda Vanguard iyo ilo dhinaca amniga badda ah ayaa sheegay in qiimeyntii hordhaca ahayd ay muujinaysay in markabka xamuulka ah ee Vela Nova, oo wata calanka Panama, loo malaynayay in gantaal ku dhacay xilli uu marayay Gacanka Cumaan




