Madasha Wadahadalka Qaran ee loogu magac daray “Beyond 2030” ayaa maanta si rasmi ah uga furmay Xarunta Shirarka Caalamiga ah ee, KICC, magaalada Nairobi.
Madashan ayaa diiradda lagu saaraya qorshayaasha iyo jihada Kenya ee wixii ka dambeeya hiigsiga sanadka 2030, iyadoo laga wada hadlayo mustaqbalka dalka iyo qorshayaasha horumarineed ee muddada dheer.
Waxaa la filayaa in wadahadallada madasha ay ka qeyb qaataan dhinacyo kala duwan, iyadoo xoogga la saarayo sidii loo dejin lahaa aragti iyo qorshe mideysan oo ku wajahan horumarka Kenya sanadaha soo socda.
Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa maanta hoggaaminaya madashaas.




