DHAGEYSO:Dadka ku nool Kisumu oo isu diyaarinaya fatahaado laga cabsi qabo

0
70

Iyadoo dowladda dalkani Kenya ay ku dhawaaqday in 18 ismaamul ay halis sare ugu jiraan fatahaado ka dhasha roobabka El Niño, dadka ku nool qaar ka mid ah deegaanadaas ayaa bilaabay diyaar-garow.
Dadka ku nool deegaanka Kapuotho ee Kisumu ayaa bilaabay inay wax ka beddelaan guryahooda, si ay uga hortagaan fatahaado laga cabsi qabo inay ka dhashaan roobabka El Niño.
Qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa guryahooda dib u habeynaya, iyagoo kor u qaadaya meelaha laga filan karo inay biyuhu kasoo galaan, si loo yareeyo khasaaraha ka dhalan kara fatahaadaha.
Dadka deegaanka ayaa sidoo kale dowladda ka dalbaday inay sameyso goobo loogu talagalay daadgureynta dadka, gaar ahaan haddii roobab xooggan ay sababi karaan fatahaado iyo barakac.
Diyaar-garowgan ayaa ku soo beegmaya xilli dalka uu isu diyaarinayo roobabka El Niño, iyadoo roobabka la filayo bilaha Oct iyo November .
Dadka deegaanka ayaa sheegay inay muhiim tahay in tallaabooyinka ka hortagga la bilaabo ka hor inta aysan roobabku si xooggan u da’in.

Dhinaca kale ismaamulada Garissa, Wajir iyo Mandera ee Waqooyi Bari dalka ayaa wajahaya khatar la xiriirta abaaro, biyo yari iyo cunto la’aan, iyadoo xaaladdu saameyn ku yeelan karto dadka iyo xoolaha.