Seneter Maraykan ah oo Trump ku dhaleeceeyay dagaalka Iran, ku tilmaamayna hoggaamintiisa guuldarro buuxda

0
88

Hoggaamiyaha xisbiga laga tirada badan yahay ee Senate-ka Mareykanka, Chuck Schumer, ayaa madaxweyne Donald Trump ku eedeeyay inuu dagaalka Iran ku galay qorshe iyo nidaam la’aan, taasoo uu sheegay inay khatar gelinayso ciidamada Mareykanka isla markaana kor u qaadaysa qiimaha maciishadda.
“Donald Trump wuxuu na geliyay dagaal sharci-darro ah, dagaalkaas ayuu luminayaa, mana hayo waddo uu uga bixi karo,” ayuu Schumer ku qoray barta X.
“Qorshe la’aantiisa, nidaam la’aantiisa iyo awood la’aantiisa inuu si dhab ah u gorgortamo waxay khatar gelinayaan ciidamadeenna, waxayna kor u qaadayaan qiimaha ay maalin kasta bixiyaan dadka Mareykanka,” ayuu yiri.
“Hoggaaminta Trump waa guuldarro buuxda. Waa inaan soo afjarnaa dagaalkan oo aan bilownaa hagaajinta khasaaraha uu geystay,” ayuu ku daray.