UNICEF: Hal cunug ayaa maalin kasta lagu dilay Gaza tan iyo markii la gaaray xabbad-joojinta

0
88
Aggaasimaha UNICEF ee Bariga Dhexe iyo Waqooyiga Afrika, Edouard Beigbeder

Hay’adda UNICEF ayaa sheegtay in ugu yaraan 300 oo carruur ah lagu dilay Marinka Gaza muddadii 300-ka maalmood ee ka dambeysay xabbad-joojintii la sheegay in la gaaray bishii Oktoobar 2025.
Taas macnaheedu waa in celcelis ahaan hal cunug la dilay maalin kasta.
Aggaasimaha UNICEF ee Bariga Dhexe iyo Waqooyiga Afrika, Edouard Beigbeder, ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in xaaladda hadda jirta ay ku guuldarreysatay ilaalinta carruurta.
Bayaanka ayaa intaas ku daray in carruurta ku nool guud ahaan Marinka Gaza ay weli ku nool yihiin hoy aan ammaan iyo nadaafad toona lahayn, iyagoo isla markaana wajahaya nafaqo-darro ba’an iyo cudurro.