Weerar gantaallo oo Ruushku ku qaaday agagaarka Kyiv oo lagu dilay ugu yaraan 14 qof

0
92

Ugu yaraan 14 qof ayaa ku dhintay, halka 27 kalena ay ku dhaawacmeen weerar gantaallo ballistic ah oo Ruushku saaka aroortii ku qaaday deegaannada ku hareeraysan caasimadda Ukraine ee Kyiv.
Maamulka militariga ee magaalada Kyiv ayaa xaqiijiyay in weerarka uu sababay khasaare naf iyo maalba leh, iyadoo kooxaha gurmadka degdegga ah ay weli ka wadaan goobaha la beegsaday howlgallada samatabixinta iyo raadinta dadka ku hoos jira burburka.
Weerarkan ayaa imanaya kaddib markii ugu yaraan 27 qof lagu dilay weerarro kala duwan oo toddobaadkan ka dhacay gudaha Ukraine iyo Ruushka.
Dagaalka u dhexeeya Ruushka iyo Ukraine, oo socday muddo shan sano ah, ayaa weli sii socda, iyadoo aysan muuqan wax calaamado ah oo muujinaya in colaaddu ay dhawaan soo afjarmi doonto.