Maxkamadda sare oo soo saartay go’aan ka dhan ah LSK

0
95

Maxkamadda sare ee dalka ayaa go’aamisay in xubnaha ururka qareennada waddanka ee LSK ay soo afjaraan qaadacaadda ka dhanka ah maxkamadaha waddanka.
Garsoore David Mburu ayaa sheegay in tani ay faragelinaysa geeddisocodka howlaha xaakinnada.
Wuxuu sheegay in go’aanka uu yahay mid lagama maarmaan ah oo lagu soo celinaya nidaamka kala dambeynta ee waaxda cadaaladda ee dalka.
Amarkan cusub ayaa LSK ka hor istaagaya inay qaaddo tallaabo kasta oo wax u dhimaysa gudashada waajibaadka garsoorayaasha ilaa iyo inta laga dhageysanaya oo go’aan laga soo saaraya dacwad la gudbiyey.
Waxaa dacwaddan maxkamadda geeyay qareen Adrian Kamotho oo ka soo horjeestay qaadacaadda ururka garyaqaannada waddanka ee LSK ee howlaha maxkamadaha guud ahaan waddanka.