Waaxda saadaasha hawada ee dalka ayaa soo saartay digniin ah in laga cabsi qabo in bishan Siddeedaad ay dabeylo xooggan ku dhuftaan 14 ka mid ah ismaamullada waddanka.
Tani ayaa saameyn karta gaadiidka dhanka badda sidoo kalena burburin karta kaabeyaasha gaar ahaan saqafyada dhismooyinka iyo leemanka xiriiriya adeegga korontada.
Ismaamullada ay suurtagalka tahay in ay dabeylaha culus ku dhuftaan ayaa kala ah Kwale, Kilifi, Mombasa, Lamu, Tana River, Kitui, Taita Taveta, Garissa, Wajeer, Mandera, Isiolo, Marsabit, Turkana iyo Samburu sida ku cad saadaasha.
Dhanka kale madaxweyne William Ruto ayaa xilli uu ku sugnaa ismaamulka Uasin Gishu waxaa uu baaq u diray beeralayda isagoo sheegay in dowladdu ay ku dadaali doonto in lala tacaalo saameynta isbeddelka cimillada sida abaaraha iyo roobabka la filaya.
Waxaa uu tilmaamay in dowladdu ay sii dhimi doonto qiimaha bacriminta iyo abuurka la beerto.




