Wasiirka wasaaradda adeegga dadweynaha , horumarinta karaanka aadanaha iyo barnaamijyada gaarka ah ee dalka Geoffrey Ruku ayaa madaxweynihii hore ee waddanka Uhuru Kenyatta iyo madaxweyne ku xigeenkii hore Rigathi Gachagua ku eedeyay in ay sawir khaldan ka bixinayaan gobolka Bartmaha.
Waxaa uu sheegay in ay dadweynaha gobolkaasi ku nool ka dhigayaan inay u muuqdaan kuwo aan ilaalin karin ballamada siyaasadeed.
Ruku ayaa arrintan u aaneeyay in madaxweyne William Ruto la mucaaradaya ka hor inta uunan dhammaan muddo xileedkiisa.
Wasiirka ayaa xusay in xilligii Uhuru ay siyaasiyiinta u ololeynayeen inuu mar labaad hoggaanka qabto balse aan hadda fursaddaasi la siinayn Ruto.
Geoffrey Ruku ayaa arrintan ka hadlay xilli uu ku sugnaa magaalada Meru .




