13 Qof oo Ku Geeriyooday Diyaarad Dalxiis oo Ku Burburtay Koonfurta Peru

0
121

Ugu yaraan 13 qof ayaa ku dhintay kadib markii diyaarad yar oo dalxiis ay ku burburtay deegaanka Nazca ee koonfurta dalka Peru, sida ay xaqiijisay dowladda Peru.
Wasaaradda Gaadiidka iyo Isgaarsiinta Peru ayaa sheegtay in diyaaradda ay saarnaayeen 11 dalxiise oo ajnabi ah, kuwaas oo isugu jiray muwaadiniin u kala dhashay Jarmalka, Talyaaniga iyo Spain, iyo laba ka mid ah shaqaalihii diyaaradda.
Diyaaradda oo ahayd nooca Cessna Caravan C-208, kuna shaqaynaysay shirkadda duulimaadyada ee Aerodiana, ayaa ka duushay garoonka diyaaradaha ee Pisco abaare duhurnimadii Sabtida. Qiyaastii saacad kadib, shaqaalihii diyaaradda ayaa fariin degdeg ah u diray xarunta hagista duulimaadyada ee Nazca, hase yeeshee xiriirkii ayaa isla markiiba go’ay.
Mas’uuliyiintu waxay sheegeen in diyaaraddu ku burburtay deegaanka Socos oo qiyaastii lix kiiloomitir u jira magaalada Nazca, una dhow goobta caanka ah ee Nazca Lines.
Shilka ka dib diyaaradda waxaa qabsaday dab, taas oo meesha ka saartay suurtagalnimada in dadkii saarnaa la badbaadiyo.
Kooxaha dab-damiska iyo booliiska ayaa gaaray goobta si ay u damiyaan dabka una bilaabaan baaritaannada hordhaca ah, halka dowladda Peru ay sheegtay in la bilaabay baaritaan rasmi ah oo lagu ogaanayo sababta keentay shilka.
Shirkadda Aerodiana ayaa dhankeeda sheegtay inay dib u qiimeyn doonto jadwalka duulimaadyadeeda iyadoo raacaysa awaamiirta ay soo saaraan hay’adaha dowladda.